|
berberatoday.com
Wefti Xisbiga Kaaha Kasocda oo Maxamud Xaashi Iyo Qabyotire Hogaaminayaan oo Laga Soo Celiyay Dalka Mareykanka.
November 7, 2025 - Written by adminWefti Xisbiga Kaaha Kasocda oo Maxamud Xaashi Iyo Qabyotire Hogaaminayaan oo Laga Soo Celiyay Dalka Mareykanka.
War xogogaala oo naga soo gaadhay dalka Mareykanka ayaa sheegay in madaarka diyaaradaha ee Magaalada Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minisota ay ka dageen Laga soo celiyay wefti Xisbiga KAAH kasocda uu Hogaaminayo Gudoomiye Maxamud Xaashi Cabdi qeybna ay kayihiin siyaasiyiin uu kamid yahay Hogaamiyaha Xisbigaas Maxamed Aadan Qabyotire.
Xubnaha weftigan ayaa waxay ku kala safrayeen Pasaporo kala duwan oo isugu jira Uk. Sweden Iyo Itoobiya.
Sababta soo celinta ayaa lagu sheegay inay sife Qaldan oo aan sax ahayn uga jawaabeen su.aalo laga weydiiyay socdaalkooda xagay ka yimaadeen inay Somaliya soo mareen iyo Magaaladii ay ka dagi lahaayee ee ay Hutelada ka booking gaareysteen oo ahayd Nashville Tennessee Aanay ka dagin ay hareer mareen ka Dageen Mineapolis Minisota.
Warku wuxu intaas kudarayaa in weftigan Maxamud Xaashi hogaaminaayay lagu celiyay Madaarka ilaa hadana ay ku xanibyihiin loona raadinayo diyaaradii dib ugu celin lahayd halkii ay ka yimaadeen oo Yurub ah
Goobta laga celiyay ayaa waxa ku sugan oo sugaayay Taageerayaal soodhawayn lahaa oo loo diyaariyay,
Weftga ayaa macluumaadka meelaha ay soo mareena waxa sheegay Pasaporadooda marka Kombiyuutarada la galiyo.
Dadka hadiyo jeer usafra dalka Mareykan waa Ogyihiin in su.aalaha lagu soo celiyay weftigan la weydiiyo qofkasta oo dalkaas galaya marka horena laysku wada qaado Somalida oo dhan laakiinse marka dambe Somaliland gooni looga saaro dadka ka yimaadana lana fasaxo,
Mareykankuna ogyahay inay Somaliland tahay dhul nabada oo Nadaam Dawladnimo iyo amaan sugani ka jiro Mareykankuna xidhiidh wacan la leeyahay.
Waxa xusid mudan Weftigani in markii ay Yurub soo galayeen dalka Jarmalka.laga celiyay Cabdillahi Dheer oo kamida hogaanka Xisbigan Kaah oo sitay Pasaporka Dalka Jabuuti laguna celiyay Itoobiya oo weftigu kasoo dhoofeen.
Warkan waxa nasoo gaadhsiiyay goob jooge ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Nashville ee Gobolka Tennesse.
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||