|
berberatoday.com
Booliska Somaliland oo War Kasoo Saaray Wiil Dhalinyaro Ah oo Xalay Hargeysa Lagu Dilay
November 11, 2025 - Written by adminCiidanka Booliska JSL ayaa hada ka hadlay dil xalay ka dhacay degmada ahmed dhagax iyagoo sheegay inu eedaysanihii dilka gaysatay baxsaday laguna raadjoog.
Xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxaa lagu dilay Marxuum Maxamed Baashe Xasan , isagoo goobta ka baxsaday eedaysanaha falka geystay.
Ciidamada Booliska JSL ayaa sameeyay hawlgal degdeg ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falkaasi.
Hadda waxaa socda baadhitaan dheeraad ah, waxaana natiijadiisa marka ay dhamaato la wadaagi doonaa bulshada.
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||