Khilaaf Xoogan oo Ka Dhex Taagan Gudoomiyaha Iyo Macalimiinta Jaamacada Cilmiga Bada Berbera
November 12, 2025 - Written by admin
Khilaaf Xoogan Ayaa Ka Dhex Taagan Maamulka Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera & Macalimiinta Wax Ka Dhiga Jaamacadaasi
Waxaana Uu Khilaafku Salka Ku Hayaa Sida Ay Xogaha Aanu Helayna Ay Tibaaxayaan inay Ay Macalimintu Ka Cabanayaan Qoddobadan Hoos Ku Xusan.
1. In Gudoomiyaha Jaamacaddu Hor Taagan Yahay Horumarinta Jaamacadda.
2. In Gudoomiyuhu Diidan Yahay inay Macalimintu Heshiis Mushahar La Galaan Jamaacadda.
3. Ixtiraam Darro Ay La Kulmayaan Macaliintu Taasoo Kaga Imanaysa Dhanka Gudoomiyaha Jaamacadda.
Sido Kale Xogaha Aanu Helayno Ayaa Sheegaysa In Macalimiintu Si Wada Jir Ah Inay Warqad Cabasha U Gudbiyeen Boodhka Sare Ee Jaamacadda Iyagoo Codsanaya In Xilka Gudoomiyenimo Laga Qaado Gudoomiyaha Sidoo Kale Macalimiinta Ayaa Soo Jeediyey Hadii Laga Qaadi Waayana Inay Iyagu Ka Tashan Doonaan Shaqada Macalinimo Ee Jaamacadaasi.
Dhanka Kale weli Waxa Laga Warsugaya Jawaab Celinta Gudidda Sare Ee Jaamacadda.