Maalgashiga Berbera Kasocda Wado Umareen Inay Joojiyaan Wayna Ku Guuldareysteen”Mohamed Duale
November 14, 2025 - Written by admin
Maalgashiga Berbera ayay wado kasta umareen inay joojiyaan se way joojin kari waayeen , Hawada Somaliland ayay sikasta iskugu dayeen inay dadka Reer Somaliland ugu dhibaan taasina socon wayday .
Team Xuub caaro midhka kaliya ee uhadhay waa aqoonsiga oo aynu helno kaddibna xuubkaa caarada aynu god kuridno isaga iyo qashinkiisaba , taasina waxay ubaahantahay in enekoo mid ah aynu hawshaa dhexda uxidhano cidkasta iyo albaab kasta oo uu yaalana aynu tagno oo aynaan maalinkasta noqon umadd weerar sugaysa .
Suurtegal ba maaha inaynu enekoo dawlada dimuqraadiya oo Nabdoon , oo uu hogaamiyo Madaxweyne Cod shacab kuyimi , goleyaal sharciya oo shacabku doortay ,leh Dastuur dadku ucodeeyeen, leh Ciidan dhisan , Khayraad ku filan dhamaan dadka “AFRIKA” iskadaa Somaliland eh, buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimo oo idil aynu maalinkasta yooyootan lagalno dabaajiir gidaar cidla ah fadhiya oo aan midh hayn .
Somaliland Dawladnimadeeda haka shaqaysiiso oo miiska gorgortanka hala tagto waxay haysato duniduna waa dano isdhaafsiye ” reciprocity ” ee aynu sidhab ah u iib gayno kaadhkeena cidkasti iyadaa inoo baahan waxkasta waxa inoo goynaya waxaynu haysano oo xaqiiqo dhab ah.