Warbixinta Toddobaadka ee Wararka Xukuumadda Jsl Somaliland
November 15, 2025 - Written by admin
1.Fadhigii 41-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaas oo lagu lafo guray qodobo muhiim u ah qarnimada Somaliland.
2.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Xarunta Madaxtooyada JSL kulan xog-warran ah oo muhiim ah kula yeeshay Maamulka Sare ee Baanka Somaliland, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta shuruucda, dib-u-habaynta, iyo casriyeynta Hay’adda ugu sarreysa Siyaasadda lacageed ee dalka.
3.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha JSL, halkaasi oo uu kula kulmay Wasiirka iyo Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda, xadhigana ka jaray dhismayaal iyo adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyey Madaarka Cigaal International Airport.
4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay AAS-QARAN oo murugo leh oo loo sameeyey Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa, oo Aabahood ku gubay gurgii ay ku noolaayeen, dhacdadaasi oo si weyn u gilgishay guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
5.Wasiiro ka tirsan Xukuumada JSL ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Saxaafadda Somaliland iyo munasibadda Abaalmarinta barnaamijka Cawke Award
6.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socota Hay’adda DT Global, xafiiskooda Hargeysa. Kulanka waxaa lagu lafa-guray sidii Hay’adda DT Global iyo Wasaaradda Warfaafintu isaga kaashan lahaayeen arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac.
7.Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa si rasmi ah u daah-furtey Diiwaan-galinta Geerashlayaasha Googeynta Gaadiidka Duugoobey iyo Dhoofinta Iskaraabka.
8.Guddi Wasiiro ah oo uu dhawaan Madaxweynaha JSL u xilsaaray arrinta E-visaha iyo maamulka hawada sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqey go.aamo ay ka soo saareen arimaha Maamulka Hawda iyo E-visaha
9.Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa guddoomisay shirka saddex-biloodle ee Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF – Joint Steering Committee), kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa.
10.Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cumar Shacayb Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay ganacsatada dhoofisa xoolaha ee dalka Somaliland .
11.Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa magaaladda Haregsya ku soo bandhigtay Ka soo Baxay qiimeyn lagu sameeyey Qorshaha Horumarinta Qaranka 3aad ee Wadaagaha Deegaanka (2023-2025), iyo Mudnaanaha Qorshaha ee (2025-2027).
12.Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Fuaad Axmed Nuux, ayaa guddoomiyay kulan lagaga hadlayay qorshaha shaqada ee dhismaha iyo casriyaynta Madaarka Caasimadda Hargeysa – Egal International Airport.
13.Xukuumadda Somaliland ayaa guul kasoo hoysay difaaca maamulka hawada jamhuuriyadda Somaliland
14.Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai, ayaa sheegay in dadka u socda Jamhuuriyadda Somaliland aanu khusaynin oo aan la weydiin doonin e-Visaha Soomaaliya.
15.Hay’adda IATA ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal qofka socotada ahi uu fiisaha ku heli karo madaarrada Hargeysa iyo Berbera, isla markaana aanu ka shaqeynayn nidaamka socdaalka ee dawladda Muqdisho
Waxa soo ururiyay xafiiska la socodka wararka ee wakaaladda wararka ee SOLNA