Xanuun Halisa oo Koonfurta Dalka Itoobiya Lagu Arkay
November 15, 2025 - Written by admin
Xanuunkan ka dilaacay Koonfurta Itoobiya waxa la idhaadaa “Marburg” waa xanuun keena xumad daran iyo dhiig bax waxaana la idhaahdaa “Haemorrhagic Fever” wuxuu leeyahay dhawr walaal ah ka ugu caansan ee aad taqaano waxa ka mid ah ” Ebola Virus”
Dhawr qof baa laga helay bay tiri Wasaarada Caafimaadka ee Itoobiya, dhimashana way jirtaa, waa cudur halis ah oo dhiig bax badan waxaana lagu kala qaada taabashada, dhididka, dheecaamada ama dhiiga IWM
Heerka dhimashada xanuunkan waxa lagu qiyaasaa 24% ilaa 88% iyadoo ay ku xidhantay sida degdeggaa ee loo ogaada, awooda caafimaadka wadanka iyo daryeelka uu bukaanku helo.
Itoobiya waa jaarkeena, dadkuna si joogto ay ayay u kala gooshaan, waxa loo baahanyahay feejignaan iyo diyaar garow dheeraada.