Itoobiya”Qoys 7 Ruux Ka Kooban oo Ku Sumoobay Cunto Ay Cuneen oo Dhamaantood Geeriyooday
November 22, 2025 - Written by admin
Ethiopia: Toddoba xubnood oo isku qoys ah ayaa ku geeriyoodey kadib markii ay cuneen cunto loo malaynayo iney sumeysnayd, iyadoo falkani uu ka dhacay Tuulada Dashe Koto ee Degmada Meskan ee Badhtamaha Dalka Ethopia.
Qoyskani oo ka koobnaa 8-xubnood, qofka keliya ee ka badbaaday waa Hooyadii ubadka oo iyadu ku jirta ICU-ga, iyadoo aabihii iyo lix ubad ahi ay ku geeriyoodeen Cuntadani.
Booliska ayaa sheegay in falkani loo xidhxidhey ilaa 10-qof oo baadhitaan ku socdo, iyadoo Sirdoonka iyo Boolisku baadhayaan in la sumeeyay iyo inkale.