Macalimiinta Quraanka Dhiga ee Magaalada Burco oo Sheegay Inay Khaati Ka Taagan Yihiin Wanjalaad Kufsi Ay Lada Socdaan C.I.D-da Iyo Xeer Ilaalinta Burco
November 23, 2025 - Written by admin
Culimada Qur’aanka dhiga ee madaariista Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay Magaaladaas, iyaga oo sheegay inay ka soo horjeedaan Xukun lagu riday mid kamid ah macalimiinta Quraanka ka dhiga Magaaladaasi.
Macalimiintu waxa ay sheegeen in jiraan dhacdooyin dacaayado ah oo macalimiinta ka dhan ah oo ay ku jiraan eedeymo fara-xumeyn ah Caruurta ay quraanka udhigaan.
Culimadan ayaa baaq culus udiray Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro iyagoo ugu baaqay inuu soo Kala gaadho Coidanka Baadhista Dambiyada ee C.I.D iyo Xeer ilaalinta Burco oo ay sheegen In Kiisas musaboda usameryaan Macalimiinta Quraanka.