Musuqmaasuqua oo Somaliland ka Noqday Dhaqan iyo Caado so jireen ah Qarankana waa Caqabad ka hortaagan Horumarka”Lawyer Eid Cabdi Siciid
November 25, 2025 - Written by admin
Musuqmaasuqu maanta waxa uu noqday dhaqan iyo caado sojireen ah oo ku dhex jira dhammaan heerarka maamulka qaranka, laga bilaabo mas’uuliyiinta ugu sareeya ee dawladda ilaa kuwa ugu hooseeya.
Waa arrin loo wada arko wax iska caadi ah, oo si joogto ah ugu dhex milntay nidaamka dalka oo dhan looguna baahanyahay sida biyaha oo kale Mar kasta oo qof masuul ah shaqo, ka bananaato hay’adiisa wuxu si musuqmaasuqa u keensadaa ciduu rabo cid kula xisaabtantaana majirto waxaa kalena adigaaba sheegaya.
Tani waxay ka dhigan tahay in musuqmaasuqu uusan ku ekeen kaliya mas’uuliyiinta sare ee dalka, balse sidoo kale wuxuu qabsaday heer kasta oo maamul iyo adeeg shaqo oo dawladded.
24 sano ka hor, markii ugu dambaysay ee masuul loo xidhay musuqmaasuq, waxay ahayd dhacdo naadir ah oo si weyn loo hadal hayayo ilaa hada, Sida weriyaha Saleban Saxansaxo uu sheegay, xadhigga masuuliyiinta ayaa noqday arrin aan la arkin muddo dheer, iyadoo xabsiyada badanaaba lagu xidhxidho muwaadiniin ku eedeysan xoriyatul-qawl Taasi waxay ka turjumaysaa in xaaladda musuqmaasuqa ee dalka ay tahay mid noqotay caado iyo dhaqan cid waliba raali ka tahy oo aan xadidnayn, isla markaana ay sii soconayso. Waxaa sidoo kale muuqata in aan la rabin suulinteeda ama indhaha laga qarsanyo weligeedna aan tallaabooyin laga qaadi doonin in loo sii ololeeyo moyaane xalkale ma jiraayo inaga oo og in musqu dalka ka hortagganyahy dhammaan qorshayaasha horumarineed ee loo baahnaa balse aynu doorbidnay sidaa.
Marka laga hadlayo sida looga hortagi karo musuqmaasuqa, waxaa muhiim ah in la xoojiyo madax-bannaanida garsoorka, isla markaana la taageero, la tayeeyo hay’adaha ka shaqeeya ilaalinta sharciga iyo daahfurnaanta maamulka oo la hubiyo in garsoorka uu si hufan u shaqeeyo, musuqmaasuqu wuu sii jiri doonaa, waxaana sii adkaan doonta in la helo masuuliyiin ka shaqeeya danta guud ee dalka iyo hogaamiyayaa bilaa musuqmaasuqa oo dalkan u soo baxa.