Sicir Barar Bulshada Sameeyay oo Laga Dareemayo Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi
November 25, 2025 - Written by admin
Magaalada Nairobi waxaa ka jira sicir-barar aad u daran. Inta badan ganacsiyadu waxaa ku yimid hoos u dhac. Tukaamaha, maqaayadaha iyo ganacsiyada kale ayaa isbixin la’.
Tukaamada qaar waxaa laga yaabaa in maalintii oo dhan labo ilaa saddex qof wax ka iibsadaan. Waa tukaamihii ay ku dhowaad 30 qof maalintii wax ka iibsan jireen.
Ma aha wax Soomaalida kaliya haysata, balse Kenyanka kalena waxay sidoo kale ka cabanayaan ganacsixumada waayadan laga dareemayo magaalada.
Shalay waxaan tegay maqaaxi caan ah oo haddii aan magaceeda sheego la wada garanayo. Siddeed qof oo keliya ayaa fadhiyay waqtigaas maqaayadda.
Kabalyeriga ayaan la sheekeystay, wuxuuna igu yiri shaqo-xumi ayaa jirta.
Waxaa jira tukaamo badeecooyin qaali ah iibin jirey, hadda qiimo-dhimis bay sameeyeen, balse weli waxba lagama gato.
Nairobi xaaladdu ma wanaagsana.