Wiil Somaliya oo Gabadh Somaliyeed Ku Dilay Minneapolis
December 15, 2025 - Written by admin
Minneapolis waxaa ka dhacay fal argagax leh oo uu nin ku dilay gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sumaya Gaabow.
Kadib markii uu si xun u dhaawacay, ayuu isku dayay inuu ula cararo isbitaalka.
Booliska ayaa ku daba galay, waxaana lagu hor qabtay isbitaalkii. Nasiib darro, inkastoo gabadha loo fidiyey gurmad degdeg ah oo isbitaalka la geliyey, way geeriyootay 
Tani waa qofkii labaad sanadkan ee rag ay ku dilaan gabdho Soomaaliyeed gudaha Minnesota.
Dhacdadii ka horreysay waxay ka dhacday Saint Cloud, taas oo aan hore idiinla wadaagnay