Afrika Madaxweyne 81 Jira oo 40 Sano Xukunka Dalkiisa Hayay oo La Tartamaya Wiil Dhashay Intii Uu Dalkaas Hogaaminaayay
December 18, 2025 - Written by admin
Yoweri Museveni (81 jir) ayey Baarlamaanka Uganda ansixiyeen mar kale inuu u tartamo doorashada Janaayo 2026, taas oo haddii uu guuleysto ka dhigi karta inuu xukunka sii hayo ku dhowaad 50 sano tan iyo 1986.
Madaxweyne Yoweri Museveni (oo talada dalka haya tan iyo Ja 1986) uu mar kale u istaagay tartanka doorashada Jannaayo 2026 isaga ku jira xaalad gabow, iyo Waayeelnimo .
Warbixino si weyn u faafay Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaya in Museveni “uu la tartamayo wiil dhashay intuu xukunka hayay,” taas oo si siyaasadeed loogu muujinayo farqiga weyn ee jiilasha iyo muddada dheer ee uu hoggaanka hayay.
Bobi Wine (Robert Kyagulanyi) waa hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, wuxuuna madax u yahay xisbiga jiilkq Cusub ee National Unity Platform (NUP).
Xooggiisu wuxuu si gaar ah uga muuqdaa Kampala iyo agagaarkeeda , gaar ahaan taageerada dhalinyarada magaalooyinka.
Doorashadii 2021 wuxuu galay kaalinta 2-aad (qiyaastii 34.83%), waxaana la shaaciyey inuu mar kale u tartamayo 2026.