Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Ciro oo Dhaqan Galiyay Miisaaniyada Qaranka ee Golaha Wakiiladu Ansixiyeen Dhawaan
December 29, 2025 - Written by admin
๐๐๐ซ๐๐๐ ๐ญ๐จ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ :- Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran, isla markaana tixraacaya ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo goโaanka Golaha Wasiirrada, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2025, waxa uu soo saaray Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah loogu dhaqan-gelinayo Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2026.
Wareegtadani waxa ay waajibinaysaa in dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Hayโadaha Madaxa-bannaan ee Qaranka, iyo Dawladaha Hoose ay u fuliyaan Miisaaniyadda Qaranka si hufan, isla-xisaabtan leh, masuuliyadna ku dheehan tahay, iyaga oo raacaya mudnaanta Qaranka, Shuruucda iyo Xeerarka Maaliyadeed ee khuseeya.
Wareegtadani waxa ay dhaqan-galaysaa laga bilaabo taariikhda uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah 29/12/2025.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐