berberatoday.com
“Magaalada Berbera Weligeedba Waxay Ahayd Meel Isku Xidha Dalka Ay Ku Taallo Iyo Adduunyada Inta Kale.
January 7, 2026 - Written by admin
Berbera iyo Quwadaha Shisheeye:
Magaalada Berbera weligeedba waxay ahayd meel isku xidha dalka ay ku taallo iyo adduunyada inta kale. Waxay dadka Soomaalida ah ku xidhay Bariga Dhexe, Bariga fog, Hindiya, dhulka Masaarida iyo weliba Ferenjiga.
Taariikhda dhow waxay soo jiidatay indhaha quwadaha ugu itaalka roon adduunka oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniyiintii, Ingiriis, Raash iyo Mareykan.
Intaasba Berberi mar bay saldhig u ahayd. Mid walibana waxbuu kusoo kordhiyay magaalada Berbera iyo Somaliland. Mid cusburka la isku qurxiyo iyo khamuunta keena (India); mid yidhaaha waxan ahay khaliifkii Nebi Maxamed (Cusmaaniyiinta today’s Turkey); mid yidhaahda waan idin ilaalinayaa oo adduunka oo dhan xukunkayga cadceeddu kama dhacdo (Ingiriis); mid yidhaahda waxan idin barayaa sidaaad ciidan xooggan u dhisan lahaydeen oo khayraadka waddankiinana u wadaagi lahaydeen (Midawgii Soviet) iyo mid yidhaada waxan idin barayaa sida la isu maamulo iyo Dubuqraadiyadda (Maraykan).
INTAAS oo quwadood ee Berbera iyo Somaliland soo martay mid waliba hadh cad buu ka huleelay marka wakhtigoodi dhamaaday. Berbera waxa ku hadhay dadkeedii wixii ay quruuntaasi sameeyeenna dalkuu u hadhay.
Welibana haddaan kaftan ku daro Berbera waxa u hadhay uun Ciise Muuse iyo Musacabdalle 😊 iyo qaraabadooda kale.
Israel may sheegin in ay fadhiisin millitary ka samaysanyso Berbera lakin xataa hadday ka samaysato qaar ka xoog badnaa baa hadh cad laga dareeriyay. Afweyne oo Soomaali ahaa oo dhulka nala lahaa ayaanu hadh cad ka erinay dhulkan.
Dadkayka waxan u sheegayaa inay isku kalsoonaadaan oo aanay noqon “adhi qulux kama ilbaxo”. Dhulkan innagaa iska leh innagaana u hadhayna. Karti uun ha lagu daro

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews