Shirkada Turkish Airlines oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Tagi Jirtay Dalka Iran Xaalada Dalkaas oo Qasan Awgeed
January 9, 2026 - Written by admin

Screenshot
Shirkadda duulimaadyada Turkish Airlines ayaa maanta joojisay duulimaadyo ay ku tagi jirtay dalka Iiraan, kaddib markii dalkaasi galay xaalad amni iyo mid isgaarsiineed oo aad u kacsan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Iiraan si weyn looga jaray xiriirka dunida inteeda kale, iyadoo la xannibay internet-ka isla markaana ay shaqeyn waayeen khadadkii taleefoonnada, taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay isku socodka iyo xiriirka gudaha iyo dibadda dalka.
Xaaladdan ayaa timid xilli bannaanbaxyo ballaaran ay ka socdaan dalkaasi, kuwaas oo wararku tilmaamayaan in ay gaareen heer aan si fudud loo xakameyn karin, isla markaana sababay in shirkado badan oo caalami ah ay dib u eegaan ama hakiyaan duulimaadyadoodii ku wajahnaa Iiraan.