Wasiir Fiqiga Xamar oo Wareysi uu Xalay Siiyay Telefishanka Aljazeera Siro Badan oo Uqarsoonaa Xasan Sheekh Fashiliyay
January 11, 2026 - Written by admin
Kii Fiqi ama Xuub Caaro ayaa xalay la waraystay weliba su’aalo Sirdoon la waydiiyey isna sidiisi lagu yaqaanney wuu ku raftay.
1: Wuxuu yidhi horta Somaliland waxaannu ka codsanayaanaa in Sucuudigu duqeeyo ee uu ka qaado tallaabo la mid ah tii Yemen. Macanaha in diyaaradaha Sucuudigu halkaas ka adeegtaan.
2: Waxa la waydiiyey Somaliland duullaan ma ku qaadaysaan?
Haa buu yidhi wax kasta oo suurta gal ah waan samaynaynaa. Macnaha wuxuu lee yahay xataa waan is qarxinaynaa!
3: Waxa la waydiiyey Israel hadday awooddeeda isku garab taagto Somaliland maxaa idiin qorshaysan?
Wuxuu yidhi waan la dagaallamaynaa Israel iyo Somaliland oo is wata waan u babac dhigaynaa. War ninku indhaha adkaaa ma il Kalluun buu cunay! Tolow awoodda Israel oo Nuclear haysta loo hanjabayo maa Aadan Yabaal lagu xoreeyo? Waalli uun iga dheh.
4: Mar kale waxa la waydiiyey ma ka cabsi qabtaan in Ethiopia aqoonsato Somaliland iyada oo marin badeed ka doonaysa? Maya buu iska yidhi Ethiopia waannu la hadanay. Bal hadal in uu aqoonsi Somaliland ka hor istaagi waa la arki doonaa.
5: Mar kale waxa lagu yidhi Maraykanku haddii uu Somaliland aqoonsado ka warran? Wuxuu yidhi may aqoonsan maayo.
6: Waxa haddana la waydiiyey Somaliland iyo waxa Koonfur Yemen ka socda xidhiidh ma ka dhexeeyaa?
Haa buu yidhi xidhiidh baa ka dhexeeya waxana labadoodaba kala qaybiya gacanka Baabuul Mandab! Bal waallidaas eeg, Somaliland xaggee ka gaadhaa gacanka Baabul Mandab? Maxaan u yaabayaa saw qof la waraysanayaa Fiqi oo Ilaahay nacay maaha?
7: Waxa la waydiiyey ma is leedahay Israel AS bay taageeri doontaa? Haa buu yidhi nimankaas AS way taageerayaan! Waa jawaab loo baahnaa iyo dhiiqo si wacan uu u dhex galay.
Su’aalahani waxay ahaayeen su’aalo Sirdoon oo Fiqi dhexda u galay. Maaddama oo Al-jazeera xarun Sirdoon tahay waxa la waydiiyey su’aalo salka ku haya dhammaanba xogaha miiska saaran. Tusaale ahaan in la waydiiyey aqonsiga Ethiopia iyo Maraykanka ee Somaliland waa xog weriyuhu hayo ka dibna la eegayo waxa ay Soomaaliya kala socoto.
Fiqi iyo Xasan si wacan bay ula shaqaynayaan Somaliland wax kasta oo Ilma Nebi Yacquub iyo Maraykan ka cadhaysiinaya waa ka hadleen. Soo badiya dheh. Maanta waxa la marayaa Israel waxay taageeryasaa AS. War nimanku wanaagsanaa?