Khabiir Masriya oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Dalkiisu Saska UIga Qaaday Citiraafka Somaliland Iyo Faalo uu Ka Bixiyay Marin Biyoodka Muhiimka Ah ee Somaliland Kutaalo
January 12, 2026 - Written by admin
Xilli loolanka juquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika uu marayo meeshii ugu sarreysay, khabiir u dhashay dalka Masar ayaa markii ugu horreysay bixiyay sharraxaad ka duwan kuwii hore, isaga oo daaha ka qaaday sababta ay Masar u aragto bogcadda Somaliland mid halis ku ah amnigeeda qaranka haddii ay gacanta u gasho awoodo kale.
Khabiirka oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay wariyaha Camar Adiib, ayaa si cad u tilmaamay in diidmada Masar aysan ahayn mid ku kooban siyaasad kaliya, balse ay salka ku heyso cabsi laga qabo in Hubkii ay Masar mar hore u isticmaashay cadawgeeda, maanta iyada dib loogu isticmaalo.
Khabiirka ayaa xasuusiyey wariyaha, xilligii Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-dii. isaga oo yidhi:
“Ma xasuusataa bishii October? Miyaanan xidhin marinka Bab al-Mandab? Waxaan markaas u diidnay ciidamada badda ee Israa’iil inay ka soo baxaan Gacanka Caqaba ama ay soo galaan wax kasta oo u socday dhankooda. Taasi waxay ahayd guul weyn oo istraatiiji ah.”
Khabiirku wuxuu ku dooday in Somaliland dhacdo bogcadda ugu muhiimsan ee dhammaan dhulka Soomaalida, sababtuna ay tahay marinka istiraatiijiga ah ee ay ku taallo.
“Soomaaliya dal ahaan wax istaraatijiyad ah oo ay ugu fadhidaa Masar ma jirto. Waa dawlad fashilantay, kala qaybsan, oo colaado joogto ah ka socdaan. Laakiin waxaa jirta qayb wax walba beddelaysa, waana Somaliland.”
“Meeshani waa bogcad istraatiiji ah oo aan la dhayalsan karin. Miyaad filanaysay in maalin maalmaha ka mid ah uu qof kale (sida Israa’iil ama xulafadeeda) halkan soo degto, ka dibna uu innaga naga hor istaago marinka badda? Wixii aan shalay ku sameynay Israa’iil, maanta ayaa nalagu sameyn karaa haddii aanan foojignaan.”
Hadalka khabiirkan ayaa daaha ka qaadey in Masar ay aaminsan tahay in ictiraaf Somaliland ay ka dhigan tahay in Furaha Kanaalka Suways laga xidhay dhanka koonfureed, taasoo curyaamin karta dhaqaalaha iyo awoodda ciidan ee dalka Masar.