“Somaliland Waa Xaqiiqo Jirta, Isreal Xaq Ayey Uleedahay Inay Aqoonsado oo Iskaashi La Yeelato”Lataliyaha Madaxweyne Trump ee Arimaha Dunida Carabta
January 13, 2026 - Written by admin
“Somaliland waa xaqiiqo jirta, Isreal xaq ayey u leedahay in ay aqoonsado oo iskaashi la yeelato”
La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, ayaa u sheegay Sky News Arabia in Somaliland tahay xaqiiqo siyaasadeed iyo dhuleed oo jirtay in ka badan 40 sano.
Massad Boulos waxa kale oo uu difaacay xaqa madaxbannaan ee Israa’iil u leedahay inay dhisto iskaashi ay la yeelato Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi ay xoojinayso sharciyadda Somaliland ee masraxa caalamiga ah.
La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos waxa xusay in dunidu Somaliland ula macaamisho sidii saaxiib madax-bannaan, maadaama ay durba tahay dal leh astaamahaas.