Iska Horimaad Ka Dhacay Berbera oo Udheexeya Booliska Iyo Dad Shacab Ah oo Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay
January 14, 2026 - Written by admin
Hal qof oo askari ah ayaa ku geeriyooday, halka askari iyo laba qof oo shacab ahi ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad maanta ka dhacay dhul ku yaalla beriga magaalada Berbera.
Iska hor-imaadkan ayaa ka dhashay muran la xidhiidha god cusub oo qashin loo samaynayey, kaas oo ay dad shacab ahi ku andacoodeen lahaanshaha dhulka. Kadib, ciidanka Booliska Berbera ayaa goobta tegay, waxaana halkaas ka dhacay iska hor-imaad sababay khasaare naf iyo dhaawacba leh.
Ciidanku waxay gacanta ku dhigeen saddex qof oo shacab ah, halka ay weli ku hawlan yihiin baadi-goobka dad kale oo ka baxsaday goobta uu falku ka dhacay.