berberatoday.com
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Ciro oo Sheegay In Safaraadii Uhoreysay oo Meeqaamkeedu Sareeyo JSL Ka Furanayso Israaiil
January 15, 2026 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay safaaradeedii ugu horaysay ee meeqaam buuxda oo safaaradeed leh ay ka furan doonaan dalka Israa’iil, kadib markii uu 26 December 2025 ay si buuxda isku aqoonsadeen labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweyne Cirro oo qoraal dheer ku qoray wargeyska The World Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale waxa uu sheegyay in Israa’iil ay taariikh samaysay markii ay aqoonsatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Aqoonsigani kama uu dhalan oo qudha arrimaha diblomaasiyadda, balse waa mid xididadiisu ay intaas ka sii qoto-dheer yihiin oo ku qotoma taariikh hore oo isku xidhay Israa’iil iyo Somaliland, kaasi oo dhashay xiliyadii ay Somaliland ku jirtay marxaladihii ugu xumaa, waana dabayaaqadii 1980s xiligaasi oo ay dadka reer Somaliland xasuuq iyo tacadiyo nidaam dawladeed ku salaysan ay kala kulmeen Taliskii Siyaad Barre, kaasi oo bixinayey amarada ka soo fulayey saraakiishiisa kala saraysa ee ka dambeeyey xasuuqa Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu Madaxweyne Cirro sheegay in Israa’iil ay xiligaasi ahayd dalkii qudha ee ka dhiidhiyey xasuuqaas, dunidana u soo bandhigay dhibaatooyinka uu Taliskii Siyaad Barre u gaystay Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews