Kaligii Taliye Ismaaciil Cumar Geele oo Xaaladu Ku Xuntahay oo Jabhadii Canfartu 12 Askari Kaga Dishay Xero Ciidan
January 18, 2026 - Written by admin
Jabuuti: Geelle oo saaka xaalku ku xumaaday iyo Jabhadda Canfarta oo Jab xoogan soo gaadhsiisay Ciidamadii Milatariga Jabuuti.
12 Askari ayaa ku naf waayey Dagaal ay Canfartu ku qaaday Xero Milatari oo ay ku leeyihiin Ciidama Jabuuti Deegaanka lagu magacaabo Garabtiisa.
Canfarta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Maxaabiis aan tiradooda la cayimin, Dawladda Jabuuti ayaan wali ka hadal khasaaraha iyo jabka soo gaadhay Ciidamadeeda.
Jabhadda Canfarta ayaa si weyn uga soo horjeeda Xukunka kaligii taliye Geelle kaasi oo mudo dheer dalkaasi xukumayey.