Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland kulan Taariikhi ah oo casho sharaf ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Israa’iil, Mudane Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.
Kulankani waxa uu ahaa kulan bog cusub oo taariikhi ah u furay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.
Kulankan oo ku dhacay jawi ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano-wadaag, ayaa labada Madaxweyne waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha lama huraanka ah ee ay labada dhinac wadaagaan, gaar ahaan xoojinta xidhiidhka dawladnimo, horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Difaaca, Teknoolajiyadda, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Tamarta iyo Macdanta, horumarinta iskaashiga bulshada, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha, Dawladda iyo Shacabka Israa’iil si qoto dheer ugaga mahad naqay Aqoonsiga rasmiga ah ee Dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo geesinimo iyo ku-dhacba lahayd, taasoo 34 sano ka bacdi si dhab ah u xaqiijisay xaqa ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin in ay noqdaan Dawlad madax-bannaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.
Sida oo kale, kulanka casho sharafta ah waxa labada Madaxweyne ku wehelinayey wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee la yidhaa Eric Trump.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha dalka Israa’iil u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay tahay dal nabad-jecel, mas’uul ah, kuna suntan xasillooni, dimuqraadiyad, Dawlad wanaag iyo ku dhaqanka Sharciga.
Kulankan taariikhiga ah ee dhex maray labada Madaxweyne ee Israa’iil iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wiilka dhalay Madaxweynaha Maraykanku waxa uu si cad u muujinayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay gashay marxalad cusub oo aqoonsi, kalsooni iyo saaxiibtinimo caalami ah, isla markaana ay sii xoojinayso doorkeeda dal mas’uul ah oo wax ku soo biirin kara nabadda iyo amniga Caalamka.
???????????????????? ???????????????????? ????????????
???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? (????????????????),
???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????