Maamulka Jubland Somaliya oo War Kasoo Saaray Diyaarad Siday Ilaalada Madaxweyne Axmed Madoobe Iyo Wefti Hordhaca oo Hawada Muqdisho Laga Celiyay.
February 1, 2026 - Written by admin
Maamulka Jubland Somaliya oo War Kasoo Saaray Diyaarad Siday Ilaalada Madaxweyne Axmed Madoobe Iyo Wefti Hordhaca oo Hawada Muqdisho Laga Celiyay.
Dowladda Jubaland waxay si adag uga xuntahay go’aanka xilkasnimo-darada ah ee maanta halis toos ah lagu geliyay wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland, kadib markii Dowladda Federaalka ah ay ka celisay Diyaaradii waday hawada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Bilowgii safarka, diyaarada siday xubnahan oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah.
Sidoo kale, maanta waxaa hawada laga celiyay labo diyaaradood oo shacab ah kuwaas oo waday dad rayid ah, lagana celiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, taas oo sii muujinaysa halista iyo qalalaasaha ka dhalanaya tallaabooyinkan.
Dowladda Federaalka ah oo ka caga-jiidaysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, waxay u muuqataa in ay ka go’antahay inay wado walba u marto baajinta shirkaas, arrintaas oo muujinaysa niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.
Waxaan caddeynaynaa in aysan jirin wax go’aan ah oo ay wada gaareen guddiyada wadajirka ah, oo la xiriira tirada ilaalada ama martida kale ee kamidka ah wafdiga Madaxweynaha ee tagaya Muqdisho, isla markaana wararka been-abuurka ah ee sheegaya in arrimahaas heshiis laga gaaray ay yihiin waxba kama jiraan.
Dowladda Jubaland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan helitaanka xal waara oo ku saabsan arrimaha taagan, isla markaana laga miro-dhaliyo Shirka Wadatashiga ah ee lagu balansanaa. Hase yeeshee, ficilladan waxay abuurayaan xaalado amni oo halis ah, isla markaana dhalinaya su’aalo dhab ah oo ku saabsan sida Dowladda Federaalka ah loogu arki karo mid masuul ah oo la isku halayn karo.