Uk Haweenay Cadaana oo Wiil Muslima Oo Caawiyay Xili Ay Gargaar Ubaahnayd Damacday Inay Kiis Kufsi Ku Wanjasho oo Iyadii Xabsi Iyo Magdhaw Lacageed Lagu Xukumay
February 13, 2026 - Written by admin
Maxkamad ku taala Ingiriiska ayaa gabadhan ku xukuntay laba sano oo xabsi ah ka dib markii ay kufsi been ah ku soo eedaysay wiilkan muslimka oo Caawiya xili ay dhibataysnayd.
Qisadani waxay dhacday xili danbe oo habeenimo ah ayaa wiilkan oo wadada marayay uu arkay gabdhan oo aan wax kabo ah sidan islamarkaana dalbanaysa in la caawiyo waxayna xiligaas cabsaynd khamri balse wiilkan oo wadada marayay ayaa Caawiyay ilaa uu ka geeyay gurigii ay danayd intii ay jidka ku soo jireen ayay gabdhi ka dalbatay wiilka inay laabta geliso balse waa uu ka diiday waxaanu markaas bilaabay inuu si hoose ugu duubo muuqaal moobilkiisa si ay cadayn ugu noqoto hadii wax ka soo laabtaan caawimaada uu gabadha u fidiyay.
Isla habeenkii saqdii dhexe gabadhii waxay wacday Booliska una sheegtay in ninkaas iyo niman uu watay oo dhawr ah ay kufsadeen.
Ciidanka Booliska yaa soo xidhay wiilka Usama waxaana baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday inaanu lahayn wax danbiya ka dib markii la eegay muuqaallada uu ku duubay kaamaradiisa.
Ugu danbayn maxkamadii kiiskan gacanta ku haysay waxay gabadhii ku xukuntay 2 sano oo xadhig ah iyada oo wiilkiina loo xukumay magdhaw lacageed.
Fadlan dadka Qurbaha joogaa ha ka taxadaraan falalka noocan oo kale ah.