Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Ciro oo Amar Culus Duldhigay Dhamaan haayadaha Dawlada ee Kala Duwan
February 15, 2026 - Written by admin
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ ๐จ’๐๐๐ง ๐ค๐ก๐ฎ๐ฌ๐๐๐ฒ๐ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฒ’๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐.
KU: Dhammaan Wasaaradaha, Hayโadaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda
๐จ๐๐๐๐๐๐ข: ๐๐ข๐ข๐๐๐ก๐ง๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ ๐จ๐ก๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ก๐ง๐ ๐ฆ๐๐๐ค๐๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐ช๐๐๐๐๐
Anniga oo fulinya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u goโaamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.
Goโaankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha baโan ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.
Abaaruhu waxa ay sababeen biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.
Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in Hayโadaha Dawladdu ay muujiyaan Masuuliyad Qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo Xaaladaha Biniโaadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.
Goโaankani waxa uu khuseeyaa dhammaan Wasaaradaha, Hayโadaha Madaxa-bannaan, Wakaaladaha iyo Hayโad kasta oo Dawladeed.
Sidaa darteed, waxa la idinka filayaa fulin degdeg ah iyo u hoggaansanaan buuxda.
๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐:
Munaasibadaha Furitaanka Mashaariicaha horumarku Qaranku kuma jiraan go’aankan uu Madaxweynuhu soo saaray.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐