berberatoday.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro oo Safar Maalinta Beriya Ku Imanaya Berbera Iyo Ujeedad Socdaalkiisa
February 16, 2026 - Written by admin

Magaalda Berbera waxa soo gaadhay weftiyo hordhaca oo gogol xaadh u ah imaatinka Madaxweynaha Dalka oo maalinta beriya ee Salaasada socdaal shaqo ku imanaya xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera, Safarka Madaxweynaha ayaa daaran xadhi kajarka mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay magaalada Berbera kuwaas oo isugu jira kuwo Dawladeed iyo kuwo maashgashi ay Sameeyeen Ganacsatada dalku.

Goobaha uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro xadhiga kajari doono ayaa waxa kamida3 Beerood oo Nasashada bulshada berbera loogu talagay ay dhistay Dawlada hoose ee Berbera kuwaas oo kukala Yaala daafaha magaalada oo Bad iyo beriba leh, dhisme laba dabaqa oo loo dhisay xarunta Dawlada hoose ee Berbera ayaa isaguna kamid mashaariicda la furi doono, Wadooyin Dawlada hoose dhistay oo laba ah ayaa iyaguna qeyb ka ah xadhig jarka uu Madaxweynuhu samayn doono.

Geesta kale xogo kaloo aanu helay ayaa sheegaya inuu Madaxweynuhu Albaabada ufuri doono Xadhigana ka jari doono warshada Sibidhka farsamayn doonta ee Magaalada dhexdeeda uu dhismeheeda hirgaliyay Ganacsade Maxamed Awsiciid oo walaac badan shacabka berbera ka qabanaa marka la Istaadho badqabka Caafimaad ee sufurteeda hawada gali doonta oo inbadan ay warbaahinta kaga hadleen iyaga oo ka ashkatoonaya warshada Magaalada dhexeeda laga bineeyay oo laga sameeyay goob aan munaasib ku ahayn marka loo eego kimikalka laysku dardarayo ee laga samaynayo sibidhka oo aan caafimaad ahaan aan uwanaagasanayn bulshada in dhexdeeda la keeno oo lagu farsameeyo.

Warshadii hore ee sibidhka ee berbera magaalada waxay ujirtay 11KM waxaana intaas looga fogeeyay waa wasakhawga iyo dhibta ay gaadhsiin karto dadka duunyada iyo deegaankaba sidoo kale 3 Bilood ee dabayl xagaadu dhacaysana may shaqayn jirin oo waxa loo joojin jiray shaqadeeda Khashinka iyo sunta ay dabayshu soo qaadayso ee magaalada soo gaadhaya.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews