|
berberatoday.com
Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro oo Cafis Ufiyay 713 Maxbuus oo Uxidhnaa Dambiyo Fudud.
February 26, 2026 - Written by adminMadaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro oo Cafis Ufiyay 713 Maxbuus oo Uxidhnaa Dambiyo Fudud.
𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞
Cafis;
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026.
Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;
Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 𝟕𝟏𝟑 (𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐨𝐛𝐚𝐧) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan.
𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡
______________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||