Markab Shiidaal Siday oo La Duqeeyay Kuna Gubanaya Marin Biyoodka Hormuz
March 1, 2026 - Written by admin
Markab shidaal siday oo ku safrayay marin-biyoodka Hormuz, meel u dhow xeebaha Cumaan, ayaa la duqeeyey, sida lagu sheegay warar laga helay ilaha badda. Markabka oo sita calanka Jamhuuriyadda Palau ayaa dab qabsaday, iyadoo afar badmaax ay ku dhaawacmeen, halka shaqaalihii kale si degdeg ah looga daadgureeyay.
Mas’uuliyiinta badda iyo hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa wada baaritaan ku aaddan sababta rasmiga ah ee dhacdada, iyadoo weli aan la shaacin faahfaahin buuxda oo ku saabsan cidda ka dambeysa ama xaaladda markabka. Marin-biyoodka Hormuz oo ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan isu-socodka shidaalka adduunka ayaa marar badan noqday goob ay xiisado ka dhacaan.