Xukumada Somaliland oo Cambaaraysay Weerarka Ay Iiraan Ku Qaaday Wadamada Khaliijka Carabta
March 1, 2026 - Written by admin
Somaliland ayaa Cambaaraysay Weerarada ay Iiraan ku qaaday Dalalka Carabta qaarkood.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ku qornaa Afka Ingiriisiga ayaa lagu yidhi:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarradii dhawaan ay Iiraan ku qaadday United Arab Emirates, Qatar, Kuwait, Bahrain, Saudi Arabia, iyo Jordan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalalka walaalaha ah, iyadoo diiddan gardarradan aan sababta lahayn ee khatar gelinaysa nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka.”