Muwaadiniin Somalilanders Ah oo Laga Soo Tarxiilay Dalka Masar oo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ee Cigaal Lagu Soodhaweeyay
March 14, 2026 - Written by admin
Wasaaradda Dib-u-dajinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM),ayaa si wada jir ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee caasimadda Hargeysa shan muwaadiniin reer Somaliland ah oo laga soo celiyey dalka Masar .
Muwaadiniintan dib u soo laabtay ayaa ahaa qoys ka kooban 4 Dumar ah iyo 1 Wiil oo hore ugu tahriibay dalka Masar.
Wasaaradda Dib-u-dajinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimadda gaar ahaan IOM, waxay sheegtaymar walba inay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato dib-u-soo celinta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhibaateysan dalalka dibadda, haddii ay go’aansadaan in ay dalkooda ku soo laabtaan.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ka go’an tahay in ay sii waddo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah si loo xaqiijiyo in muwaadiniintaasi dib u helaan nolol nabdoon, sharaf leh, iyo dib-u-dajin waarta oo ay dalkooda ka helan