Shirkadda Diyaaradaha British Airways Oo Joojisay Qaar Kamid Ah Marinnada Duulimaadyada Bariga Dhexe
March 17, 2026 - Written by admin
Shirkadda Diyaaradaha ee British Airways ayaa joojisay qaar ka mid ah marinnada duulimaadyada Bariga Dhexe ilaa bisha Juun iyadoo khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil uu sii socdo.
Duulimaadyada taga Amman, Baxrayn, Dubai iyo Tel Aviv ayaa si ku meel gaar ah loo joojiyay ilaa 31-ka May, duulimaadyada Doha-na way hakad ku jiraan ilaa 30-ka Abriil.
Afhayeen u hadlay shirkadda British Airways ayaa yiri: “Sababo la xirriira hubanti la’aanta joogtada ah ee xaaladda Bariga Dhexe iyo xasillooni darrada hawada, iyo si aan macaamiisheenna ula wadaagno caddayn dheeraad ah, waxaan kordhinay hoos u dhigista ku meel gaarka ah ee jadwalka duulimaadyadeenna gobolka.
Duulimaadyada British Airways ee Riyadh iyo Jeddah ee Sacuudi Carabiya ayaa sii socon doona