Dawlada Itoobiya oo Shaacisay Inay Gaadiidka Dawlada Dhamaan Laga Dhigayo Kuwo Ku Shaqeeya Koronto
March 19, 2026 - Written by admin
Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in baabuurta dowlada oo dhan loo badalayo kuwo koronto ku shaqeeya.
Xili xaalada bariga dhexe ay sababtay kor ukac qiimaha Shidaalka ah ayaa Wasaarada Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya waxay sheegtay in dhamaan gaadiidka dowlada. (Heer Federal iyo heer Deegaanba) Loo badalayo kuwo ku shaqeeya koronto.
Qorshahani wuxuu la xidhiidha istaraatiijiyad uu dajiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo uu ku doonayo in dalka looga yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka Dibada.