Warbaahinta Iraan Oo Sheegtay In La Qabtay Basaasiin Dalkooda Gudihiisa Uga Adeegaayay Mareykanka Iyo Israaiil
March 28, 2026 - Written by admin
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay qabteen laba qof oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar hubeysan oo ka dhici lahaa gobolka waqooyi ee Golestan.
Saraakiisha ayaa sheegay in sirdoonka dalka uu ogaaday koox ay ku tilmaameen inay xidhiidh la leedahay Mareykanka iyo Israa’iil, kadib xog iyo kormeer la sameeyay.
Waxaa la sheegay in dadka la qabtay ka hor inta aysan fulin weerar ay ku beegsan lahaayeen ciidamada ammaanka.
Sidoo kale, howlgal lagu qaaday meel ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla magaalada Gorgan ayaa laga helay 4 qori oo nooca Colt ah iyo 43 xabbo oo rasaas ah.