๐๐๐ซ๐๐๐ ๐ญ๐จ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasaaradaha hoos ku xusani u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan masโuuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
๐๐๐ฑ๐ ๐๐๐ง ๐ ๐จโ๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masโuuliyiinta hoos ku xusan:
๐. Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha aan u beddelo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen Kaahin oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska aan u beddelo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. Mudane Cabdalla Maxamed Yuusuf Cabdi oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta aan u beddelo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka aan u beddelo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. Mudane Maxamed Cabdi Xaashi Cabsiiye oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda aan u beddelo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐. Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi Maxamed oo ahaa Agaasimahaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca aan u beddelo Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
๐. Mudane Sh Ayaanle Xassan Axmed aan u magacaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐๐ ๐๐๐ก
________________________________________
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐