Warbaahinta Afri News 24 Oo Iftiimisay Muhiimada Juquraafiyadeed Ee Dekeda Berbera Iyo Bogcada Ay Kutaalo Oo Caalamka Qiimo Weyn Ku Leh
April 18, 2026 - Written by admin
Warbaahinta AfriNews 24 ayaa iftiiminaysa muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, iyo sida ay uga dhex muuqato isbeddellada siyaasadeed, amni iyo tartanka awoodda ee ka socda Badda Cas. Sidoo kale, waxay xustay saameynta juqraafi-siyaasadeed ee ku xeeran Berbera iyo Marinka Bab el-Mandeb, iyadoo diiradda saaraysa isbeddellada dhinaca isku dheelitirka awoodda ee gobolka oo ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan dunida.
Waxa kale oo warbixintu tilmaantay in Dekedda Berbera ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Taas oo muhiim u ah marinnada ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa mara Bab el-Mandeb, oo ah marin biyood muhiim u ah dhaqaalaha adduunka. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in korodhka khataraha amni ee Badda Cas uu sababay in dalal badan dib u eegaan istiraatiijiyadahooda gobolka, taas oo kordhisay xiisaha loo qabo goobaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera, oo muhiim u ah ilaalinta ganacsiga badda.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in ay jiraan tilmaamo muhiim ah oo muujinaya in Somaliland ay noqotay meel ay indhaha caalamku si weyn u hayaan, isla markaana uu sii kordhayo xiisaha waddamada dunida ee iskaashiga amniga iyo marin-u-helid istiraatiiji ah. Waxaa lagu soo gabagabeeyay in “Somaliland, gaar ahaan Berbera, ay sii ahaanayso goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah isbeddellada amni iyo juqraafi-siyaasadeed ee Badda Cas, iyadoo jaan-goynaysa mustaqbalka awoodda gobolka iyo dheellitirka danaha mandaqada iyo kuwa caalamka.”