berberatoday.com
Xukumada Mareykanka oo Aqalka Kongareeyska Ugudbisay Hindise Sharciyeed Diirada Lagu Saarayo Fursadaha Lagu Xoojin Karo Xidhiidhka Somaliland
June 2, 2026 - Written by admin
Dowladda Maraykanka ayaa warbixin rasmi ah u gudbisay Kongareeska Maraykanka, taas oo si gaar ah diiradda u saaraysa fursadaha lagu xoojin karo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Maraykanka iyo Somaliland.
Warbixintan oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku, ayaa lagu sheegay in Somaliland leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ku taalla mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka.
Qoraalka warbixinta ayaa tilmaamaya in Somaliland ay ku taallo goob muhiim ah oo u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo dalka Yemen, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah ilaalinta amniga maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee isaga kala goosha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika, AFRICOM, uu xidhiidh joogto ah la leeyahay masuuliyiinta Somaliland, isla markaana la baadhayo fursado cusub oo lagu ballaadhin karo wada-shaqaynta dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dhinaca diblomaasiyadda, warbixintu waxay sheegtay in Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay booqashooyin joogto ah ku tagto Somaliland si looga wada hadlo arrimo ay ka mid yihiin amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, warbixintu waxay muujisay in Somaliland ay dhiirrigelinayso maalgashiga Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo khayraadka dabiiciga ah. Waxaana lagu xusay in horumarinta Dekedda iyo Madaarka Berbera ay abuuri karto fursado ganacsi iyo maalgashi oo cusub, kuwaas oo faa’iido u leh Somaliland, Itoobiya iyo shirkadaha caalamiga ah.
Warbixintu waxay si cad u muujisay in Somaliland ay tahay saaxiib muhiim ah oo uu Maraykanku danaynayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay.
Warbixintan ayaa loo arkaa mid muujinaysa korodhka danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanku ka qabo Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland ku leedahay amniga, ganacsiga iyo xasilloonida mandaqadda Geeska Afrika.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews