Wefti Qeyb Ka Ah Safarka Madaxweynaha JSL Ee Israaiil Oo Maanta Hargeysa Ka Dhoofay
June 12, 2026 - Written by admin
Maanta waxa Hargaysa ka baxay wefti Madaxwayne Cirro ku wehelin doona Booqashada rasmiga ah ee Isra1L oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Sawir-qaadeyaal.
Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha Isra1L, iyo in uu xadhiga kasoo jaro safaarada Somaliland ku yeelanayso Waddankaasi.
dhinaca kale warar Warbaahinta Isra1L baahisay ayaa sheegaya in Madaxwayne Cirro Toddobaadka soo socda uu bookhan doono Yad Vashem oo ah goob loogu talogalay in lagu xusuusto ilaa 6 milyan oo Israaiiliyiin ah oo ay dishay xukuumaddii Naasiga ee Jarmalka intii uu socday Dagaalkii labaad ee Dunida.
Xaruntan waxaa la aasaasay sannadkii 1953-gii, waxaana Booqashada Yad Vashem qayb rasmi ah ka tahay hab-maamuuska (protocol) marka uu hoggaamiye ajnabi ah booqasho rasmi ah ku tago Isra1L, waxaana la xasuustaa in halmar ay wada booqdeen Sannadkii 2020 ilaa 40 hoggaamiye oo caalami ah oo isugu jiray Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Faransiiska (Emmanuel Macron), Madaxweynaha Ruushka (Vladimir Putin), iyo Madaxweynaha Jarmalka (Frank-Walter Steinmeier).