Booliska JSL Oo Sheegay Inaan Jiri Karin Wasiir CID Uga Dalban Kara In Muwaadiniin Loogu Yeedho
June 13, 2026 - Written by admin
Laanta Dembi-baadhista iyo guud ahaan Ciidamada Booliska JSL , way ka madaxbannaan yihiin, siyaasadda iyo xifaaltanka bulsho. Waajibaadkooda dastuuriga ah iyo shaqada uu sharcigu siiyeyna waa sugidda amniga qaranka, dhowrista nidaamka iyo kala dambaynta guud, ilaalinta muwaadinka naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa darajo kasta oo uu leeyahay, iyo in sharciga ay ku fuliyaan cid kasta oo khatar ku keenaysa arrimahaas.
Laanta Dembi baadhisata ee Jamhuuriyadda Somaliland (CID) xaq bay u leedahay in ay u yeedho, waraysato, haddii loo baahdana Maxkamadaha ku shaqada leh u gudbiso, cid kasta oo ku eedaysan sharci-jebin, iyo falal ama hadallo khalkhal gelinaya amniga guud, iyada oo aanay jirin wax ku qasbaya in ay qarsoodi ka dhigto, ama ay habab dadban u marto. Mana jiri karo wasiir ama masuul kale oo si toos ah CID uga dalban kara in muwaadiniinta loogu yeedho baadhis, masuulka dacwad qabaana nidaam sharci oo uu maro ayuu dalku leeyahay.
Si kastaba ha ahaato e, waxaa maalmahan soo baxay, dadyow iyaga oo aanay laanta dembi-baadhistu u yeedhin ama xidhiidh dembi-baadhiseed la yeelan, baraha bulshada ku faafinaya been-abuur ay ku andacoonayaan in CID-du ay u yeedhay, sida muwaadinka magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Seed.
Waxaa iyaduna nasiibdarro ah, in shakhsiyaad gaar ahi ay caado ka dhigteen in ay ololayaal sumcad dil iyo dano shakhsiyadeed awgood u sii faafiyaan wararkaas yeedhmada beenta ah oo ay sii buunbuuniyeen, iyaga oo aan ka hubin hay’adaha amniga ee ay khusayso.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu ka digayaa in arrimaha ammaanka aan la dhexgelin karin danaysiga iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee la kala jiidanayo, cid kasta oo arrintaas si qaldan ama hubsiimo la’aan ah u buunbuunisana, in hay’adaha ammaanku ay xaq u leeyihiin inay ka dalbadaan caddayn sugan oo haddii ay ku guul-darraystaan ay ku mutaysanayaan tallaabo sharciga waafaqsan.
