๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ก๐๐๐ซ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ก ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ, ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก๐ง๐ ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ
June 14, 2026 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tegay dalka Israaโiil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay, isla markaana kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Israaโiil, Mudane Isaac Herzog.
Booqashadan oo ah tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayaa lagu maamuusay hab-maamuus heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta Qaranka JSL. Sidoo kale, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israaโiil.
Labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israaโiil. Waxa ay sidoo kale si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga goโan tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Munaasibadda ka dib, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyaga oo carrabka ku adkeeyey qiyamka ay wadaagaan ee nabadda, xasilloonida, horumarka, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo iskaashiga waxtarka u leh labada shacab.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dalka Israaโiil ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku maamuusay Qado-sharaf Qaran oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Israaโiil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashadan taariikhiga ah iyo muhiimadda ay u leedahay xidhiidhka labada dhinac.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Israaโiil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah, ayaa waxa ay calaamad u tahay marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada ay Jamhuuriyadda Somaliland ku ballaadhinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah, iyada oo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.
Arrintani waxa ay shacabka Somaliland u tahay dhacdo Qaran oo taariikhi ah oo ka tarjumaysa sumcadda, karaamada iyo miisaanka sii kordhaya ee dalkoodu ku leeyahay masraxa caalamiga ah.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐