๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐
๐ซ๐ข๐๐ง๐๐ฌ ๐จ๐ ๐๐ข๐จ๐ง ๐๐ฐ๐๐ซ๐
June 17, 2026 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay Casho-Sharaf loogu sameeyey Xarunta Matxafka Friends of Zion ee magaalada Jerusalem, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award.
Billad Sharafta Qaran ee FOZ Award ee lagu maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa lagu sharfaa ama la guddoonsiiyaa shaqsiyaadka ay dadka reer Israaโiil u hayaan abaal gaar ah.
Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award waa tan ugu sarreysa Israaโiil ee la siiyo Hogggaamiye dal kale oo saaxiib la ah Israaโiil.
Waa maamuus heer Caalami ah oo hore loo guddoonsiiyey Madaxweyneyaal, Boqorro, Amiirro, Raโiisal Wasaareyaal iyo Hoggaamiyeyaal caan ka ah dunida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush iyo Madaxweynaha haatan Donald J Trump, Muxammed Bin Salman, Yoweri Museveni, George Weah, Muxammed Bin Rahed Al Maktoum, Amiirka Monaco Prince Albert II, iyo kuwo kale.
Guddoonsiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion ayaa waxa ay ka tarjumaysaa miisaanka uu leeyahay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israaโiil.
Sida oo kale, waxa ay qiraal u tahay doorka Somaliland ee nabadda, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka, iyada oo xoojinaysa kalsoonida iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhaafsiga aqoonta.
Dhacdadan taariikhiga ahi waxa ay astaan u tahay korodhka sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐