Israaiil Oo Xeebaha Somaliland Keenaysa Maraakiib Gujisa
June 21, 2026 - Written by admin
Israa’iil ayaa sahaminaysa suurtagalnimada inay xeebaha Somaliland u soo dirto gujisyada dagaalka, si ay indho indheeyaan xeebaha Somaliland ee istiraatiji ah.
Sida uu baahiyey Defence-Network, oo ka faaloota Milateriga, waxa xidhiidhka sida rasmiga ah u bilowday ee Somaliland iyo Isreal uu suurto gal ka dhigi karo in Xeebaha Somaliland tagaan gujisyada nooca loo yaqaano Dolphin-class Isreal.
Somaliland iyo Isreal ayaan weli xaqiijin gujisyadani, balse waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ay dhawaan iskaashi dhinaca Amniga ay wada gaadheen Somaliland iyo Isreal.