Xuduudaha Udhexeeya Faransiiska Iyo Ingiriiska Oo Ciidamo Badan La Geeyay Si Looga Hortago Tahriibka
June 21, 2026 - Written by admin
xuduudaha u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska ee dhanka Bada

Faransiiska ayaa xeebaha waqooyiga dalka geeyay boqolaal askari oo gaar ah si ay u joojiyaan muhaajiriinta isku dayaya inay doonyaha yaryar kaga gudbaan Kanaalka Ingiriiska kuna gaaraan UK.
Cutubyo cusub oo ka tirsan booliiska rabshadaha ayaa hadda ka howlgalaya xeebaha, iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kamarado iyo diyaarado kormeer ah si ay u ogaadaan ugana hortagaan isku dayada tahriibka.
Dowladaha UK iyo Faransiiska ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe lagu beegsanayo shabakadaha dadka tahriibiya, iyadoo boqolaal milyan oo ginni lagu maalgelinayo sugidda xeebaha.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay kumannaan muhaajiriin ah weli isku dayayaan safarka khatarta badan ee Kanaalka Ingiriiska.