Waxay Dhulbahante Iyo Firdhiye U Xasuqeen Fiqi-shini Ayaad Tihin”Mayer Xigeenki Laascanod
June 24, 2026 - Written by admin
Maayir ku xigeenka Laascaanood Kawte ayaa ka hadlaya sida beeshiisa Fiqishini loo beegsaday iyo dhacdooyinkii kala danbeeyay ee dhacay siday u dhaceen. Waxaanu yidhi :
“Waxaan ogayn dhacdadii ka dhacday kaamka Gurasaarka ee aaga madaxlagu xoor 17 may 2026 ee inta ciidanka lagu sheegay Boolis iyo daraawiish oo dhulbahante ah la geeyay meel nabdoon haddana iyaga oo taagan lagu dhex dilay nin oday ah oo wayeel 75 jir ah, halkii falka dhacay wax laga qaban lahaa maalinkii xigay waxaa la iskaga soo duubay flogs heeso la dulsaaray ay ka mid ahayeen midhaha heesaha ciilkii gaboobiyo cadhadii u gaysay.
iyada oo gacanku dhiiglayaashii wax dilay loo jeedo waxna laga qaban xataa wax tacsi ah laga dirin, waa qofkii ugu horeyay ee la dilo ee aan cid loosoo qaban tan iyo intii maamulka laascaanood la dhisay ayuu ahaa ninkaas wayeelka a, sababta loo soo qaban waayayna waa inuu ninka la dilay Fiqishini yahay, ka dilayna dhulbahante ma jirto sabab kale.
Waxaa xigtay 19 may 2026 in halkii falka dhacay la abaari lahaa dadka ehelka ah ee wax kala gaadheena hawshooda la gali lahaa dad reer guuraa ah oo ka awoow ka awoow deganaa madax laguxoor iyo Yeyle
ayaa Firdhiye yidhi qasab hakaga guuraan, haddii aad ka guuri waydaana waxaa laydin gelinayaa ciidan!
28 may 2026 amarkii oo fulay waxaa la weeray dadkii xoolo dhaqatada ahaa waxaa la gubay guryo waxna waa la biliqaystay, waxaa sidoo kale la laayay oo la beegsaday oo la dilay sarakiil cidan oo ka tirsan cidanka Laaacaanood oo aan dagaal ku jirin goob joogna ka ahayn waxii dhacay keliya waxay u dhinteen Fiqishini ayaad tihiin.
Dhacdooyinkaas waxaa ka danbeeyay dhacadada Adhicadeeye Intaas oo dhacdo intay dhacayeen waxaa la isticmalayay hubkii iyo saadkii Maamulka Firdhiye hayay waxaa la xidhnaa astaantii ciidanka waxaa qayb cad ku lahaa hawl galada dhacay dad aan ahayn labada qoys ee wax ka dhax dhaceen huwan magaca ciidanka Firdhiye maamulo iyo mid daarood.
Hadaba su,aasha is waydiinta mudan maxay tahay ciidanka hadaAdhicadeeye la geeyay ee maalinka wax dhacayeen la gayn waayay ee dagaalka 6 saacood socday aan ku bixin ee 24 saacadood kadib masuuliinyta dhulmahante ee ciidankoodu dadka xasuuqay flogs ka soo duubaya waxaan u arkaa ku digasho dadkaas dhibku gaadhay waxay muujinaysaa masuulid darada jirta iyo badheedhka qaawan ee Fiqishini loogu badheedhay.
Waxii meshaa ka dhacay iyo waxii ka horeeyay ee qaab xumo iyo hoosaasin ahba waxaa masuul ka ah Firdhiye iyo masuuliyiinta beeshiisa ah ee hawshan ku jiray, haddaba, ciidanka ka dulqaada maatada la dhibaateeyay guryahooda si nafis ah ha u furtaane
Hadii aad nabad ilaalin u tihiin meesha laga soo duulay waad garanaysaane taga.”