Wasaarada Dawlada Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Kalafadhi Aan Caadi Ahayn Oo Golaha Deegaanka Oodweyne Mayer Ku Doorteen
July 10, 2026 - Written by admin
Hargeysa-09-7-2026- Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL, waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin kalfadhigii sharci-darada ahaa ee ay qabsadeen qaar ka mid ah Golaha Degaanka ee Degmada Oodweyne, 08-07-2026.
Hadaba Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL oo leh awoodda qabashada kalfadhiyada Goleyaasha Degaanka waxay caddaynaysaa in aan kalfadhigaasi waafaqsanayn xeer 23 xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.
Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL waxay ayidaysaa go’aankii uu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, kaasoo uu ku joojiyey kalfadhigaas aan sharciga ahayn.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JS