Maxkamada Sare ee JSL oo Beenisay Inuu Iscasilay Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.
July 14, 2026 - Written by admin
Maxkamada Sare ee JSL oo Beenisay Inuu Iscasilay Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.
“Beenin warar been-abuur ah oo la faafiyey
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay beeninaysaa warar saacadihii u dambeeyey lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed uu warqad iscasilaad ah u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been-abuur ah.
Waxa kale oo aanu bulshada uga digaynaa in ay faafiyaan wararka been abuurka ah iyaga oo aan hubsan.
Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL