berberatoday.com
Mayer Dable Iyo Xildhibaan Doortay oo Fiintu Dhex Miranayso oo Kalaa Dhaqaaqay Iyo Filashadii Danaha Shaqsiga Ah Ee Xildhibaanada Iyo Balanadii Kaabaynka oo Mayerku Ka Gaws Adaygay.
September 16, 2026 - Written by admin
Kuraasta Mayerada dalka kuwa hada jooga iyo Kuwii hore usoo marayba waxa lagu hantaa waa Aduun lacageed iyo ninka doonaya inuu kusiga ku fadhiistaw gali gacanta jeebka oo raasamaal iyo Dayn kaa helaysaba hore usoo qaado.qof kastana Wuu ogyahay in xubnaha golayaasha deegaanada dalku aanay mabda ku dooran Mayeradee ay ku Doortaan heshiis lacageed haba ukala sicir Sareeyaan Degmooyinka dalku sida ay kala dakhli Badanyihiine.
Degmada Berbera oo Xildhibaanadeedu yihiin kuwa ugu sareeya sicirka iibka farta ama gacan taag ee Degmooyinka dalka oo lacago boqolaal kun oo Dollar ah Mayerkan Hadda jooga iyo kii horeeyay ee xilka laga qaadayba ku doortay ayaa lagu tilmaamaa kuwo si hawl yar ugu hodmay Gacantay taagayaan daqiiqadaha kooban ee Doorashada Mayerka iyo Kuxigeenkiisa.
Mayerka Degmada Berbera Maxamed Dable oo Mudo 45 maalmooda xilka haya ayay durbaba Warka aanu helay sheegayaa inay kala dhaqaaqeen 6 kamida xubnihii golaha deegaanka ee doortay waxaana isku hadhay Mayer Dable iyo Kuxigeenkiisa Yacquub oo ku hafanaya hawsha baaxada leh ee Degmada Berbera.
Sababaha lagu kala dhaqaaqay ayaa ah in iyaga oo Aan afartan bixinba xubnihii doortay Mayer Maxamed Dable miiska soo saareen doonista iyo Danoohoodii shaqsiga ahaa kuwaas oo isugu jira Damac dhul Dan guud ah oo Xubnaha qaarkood ay Isku seegeen Mayerkii hore, Mayerka cusubna Xiligii doonista kursiga Balanqaad afeed ka Haystay, waxa kaloo iyana wararku sheegayaan in Xildhibaanada qaarkood dalabadeen In loo qoro Shaqaale tiro ahaan badan iyadoo shaqaalihii Horeba tiro ahaan xad dhaafyihiin mushaharkooda Baanka bil walba casayn iyo qeyb ahaan la Daymiyo dawalada hoose,
Tirada Shaqaalaha dawalada hoose ee Berbera oo Ah 3300 oo qof sida uu sheegay Mayerkii hore ee Xilka laga qaaday maalintii xilwareejinta ayaa Runtii umuuqda shaqaale xad dhaafa Marka loo Eego adeega ay bixiso Dawlada hoose ee Berbera.
Mayer Maxamed Dable iyo saaxabadiisii soo Doortay ee maalmihii uu cusbaa hareera ka Taagnaa madal kasta iyo meelkasta uu joogana Garabihiisa Ahaa ayay kala irdhoobeen wiigagan Udambeeyay kadib markii ay meesha ka baxday Filashadii Mayer Dable iyo Damacii Xildhibaanada oo isduqeeyay Lagana hoos qaadi waayay Xildhibaanada dalabyadii iyo damacyadoodii aan Macquulka ahayn ay ugudbinayeen duqa, Mayer Dable-na Meel iskaga tiiriyay kadib markuu Qiimeeyay inaanay suuragal ahayn Dalabyada Qaarkoodana u arkay Mayerku inuu ka Dhalan karo Kacdoon dadweyne oo saameeya kursiga Mayerka Cusub laguna shaabadeeyo inuu durbaba Bilaabay Waxyaabihii intaan la dooran Suuqa loo galiyay ee Lagu dhaliilaayay.
Xildhibaanadan damacooda ku hungoobay ayaa Maalmahan udambeeyay Hargeysa isugu tagay Iyagoo shirar kuwada leh Hutelada Hargeysa waxa Kaliya ay isu urursanayaana tahay sidii ay Mayer Dable ugu dirqi lahaayeen damacooda guracan iyo Danohooda shaqsiga ah ama ay utusi lahaayeen Inay dhaqdhaqaaq ka dhan Mayerka soo Abaabulayaan si uu ugu dabco waxase umuuqataa Inuu Mayer Dable beelka xidhay sidoo kelena uu Isku qanciyay maanka ku hayo inaan 45 Maalmood Iyo wax udhaw toona xilka lagaga Qaadi karin balse uu dareensanyahay in madane Dabka ugu Jiro.
Waxa xusid mudan in Xubnaha Golaha Deegaanka Berbera marka laga reebo Mayerkii Hore Cabdishakuur Ciddin dhamaantood inta kale Iyaga Iyo qoysaskooduba Caasimada Hargeysa Daganyihiin oo guryo qasriyo ah ka dhisteen farta Laga hodmay ee la taagayo, shacabka Berberana Aanaya dareen iyo duruuftoona la wasaagin
SIdoo kale Mayer Maxamed Dable oo isagu maanta ah Duqa Degmada iyo odayga magaalada iyo kuxigeenkiisa Baashe Cabdillahi Yacquub Ayaa labaduba Hutel ka dagan magaalada oo ka Maamula waxaana la Odhan karaa Salaad qasriya ayaa uxidhan oo weli May aaminin inay taladii Degmada la wareegeen.
Geesta kale waxa iyaguna caw ku wada fadhiya 5-tii Xildhibaan uu hogaaminaayay Mayer Cabdishakuur Ciddin ee laga guulaystay oo iyaguna 2 Xildhibaan Uun baadi goobaya si ay gacanta dhiibaan hadiiba Dhinaca Mayer Dable Lagu kala yaaco.
Berbera Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews