berberatoday.com
Shirkada DPW Ee Dekeda Berbera Maamusha oo Shaqaalaha Ka Hawlgala Dekeda Usoo Dajisay Qorshe Xuquuqdooda Shaqaalenimo Lagu Luminayo.
September 21, 2026 - Written by admin
Shirkada DPW Ee Dekeda Berbera Maamusha oo Shaqaalaha Ka Hawlgala Dekeda Usoo Dajisay Qorshe Xuquuqdooda Shaqaalenimo Lagu Luminayo.
Shaqaalaha kala duwan ee Udiwaangashan Shirkada Dp World ayaa Loo qaybiyay Waraaqo Cusub Kuwaasi Oo Lagu Waregeliyay in qodobada Ku qoran la Fulidoono maarka la gaadho 1 bisha October ee sanadkan 2026-ka
Qodobadan oo samaynaya xuquuqda Shaqaalenimo ee muwaadiniinta Ushaqeeya Shirkadan Dp World Ayaa Kala Ah Sidan Hoos Ku Qoran
1:In Qofka Shaqaalaha ah Ee Gaadha Da.da 60 Sano Shirkada DPW Shaqada Ka Caydhin Doonto,Cidna Aan Lagu Bedeli Doonin Sidii Horeba Udhici Jirtay Qofka Marka Uu Waynaado Ee Uu Hawlgab Noqdo,Geeriyoodo Ama Uu Xanuun Ujiifsado Loo Ogolaa Inuu Ehelkiisa Qof Kamida Loogu Bedelo Taasina Qorshaha Cusubi Meesha Ayuu Ka Kasaarayaa.
2:Qofka Habsaama 18 Cisho ama Sanadka Oo dhan Intaasi Ha Habsaamo Ama Bil Gudeheed Haku Dhamaysto ama Shansano Haku dhamaysto Maalinta Uu Gaadho 18 Cisho in Shaqada Laga Caydhinaayo,Taasi Oo Markii Hore Ahayd In Qofka SanadKii Habsaama 18 Cisho Shaqada Hakad Laga Gelin Jiray, Marka Uu SanadKu Dhamaadana Laga Masaxijiray Oo Hadana Dib Loogu Bilaabi Jiray.
3:Shirkada DPW ayaa Dawlada Somaliland Markii Dekeda Berbera Kuwareejisay Heshiis Kula Gashay In Caafimaadka Shaqaalaha Meelkasta Oo Uu Doono Loo Qaadayo Marka Xaalad Caafimaad Lasoo Diristo Gaar ahaana Kuwa Dalka Waxba Lagaga Qaban Kari Waayo.
Taasi ayaana Meesha Laga Saaray oo Kamid Noqonaya Qodobada Cusub Ee La Hirgelinayo 1 October Taasi Guud ahaana Joojisay In Shaqaalaha Xanuusada Ay Ufidiso Adeeg Caafimaad Oo Dalka Debediisa Lagu Geeyo.
Xogtan Oo Loo Qaybiyay Shaqaalaha Dekeda Berbera Uga Shaqeeya Shirkada DP World Ayaa La Wadaagay Warfidiyeenka Xaalada Adag Ee Soo Foodsaartay Kuwaasi Oo Walaac Xoogani Ka Qaba Talaabooyink Guracan ee Shirkada DP World Ku Duudsiyayso Xuquuqdooda Shaqaalenimo Iyaga oo Dalkoodii Joogay Waxaanay Sheegeen Inaanay Aqbalayn Arinta ay Soo Qorsahaysaray Shirkada DPW Ee ay Kuwar Gelisay Madaxa Shaqaalaha.
Haddaba Arintan Aanu Ukuurgalay Halka Ay Salka Kuhayso Ayaa Waxan Aanu Ogaanay In Arintani ay Qeyb Katahay Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo Qorshahan Qeybta Ugu weyn Ka Ah Ujeeadadeeduna Tahay sidii Shaqaalaha Faraha Badan ee Deegaanka Berbera Kasoo Jeeda Meesha Looga Saari Lahaa kuwo Xukumada Cusubi Wadatana Loogu Bedeli Lahaa,
Waxaana Xusid Mudan In Markii Xukumada Cusub Ee Xisbiga Wadani Xukunka Dalka La Wareegtay Waxay Shirkada Dp World Usoo Dirtay Liiiska 60 Shaqaale Ah oo Isku Jufo Ah Ay Ka Dalbatay Shirkada Inay Shaqaalayso.Hase Yeeshe Shirakada Dp World Ayaa Qorshahaas Diiday Xukumada Usheegtay Inaanay Shaqaalahaas Qorshe Uhaynin Qaabkaasna Aanay Shaqaalaha Uqadanin Sidaas Ayaana Lagu Joojiyay Waxase Hadda Muuqata In Qorshe Hadda Loo Bedelay Iyada oo Ujeedadu Tahay Baro Bixinta Shaqaalaha Shirkada Dp World oo Ubadan Dadka ilaahay Ku bBetray Deegaanka Berbera Iyo Gobolka Saaxil Waana Dagaal Qaawan oo Lagu Soo Qaaday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews