|
berberatoday.com
Dhaqaaq Ka Dhan Ah Mayer Maxamed Dable Xilkana Lagaga Qaadayo oo Hargeysa Caawa Ka Bilaamay.
November 4, 2026 - Written by admin 9 kamida xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo intooda badani galabta fiidkii Kacaraabay Berbera ayaa caawaba isku urursaday Guri Hargeysa kuyaala iyaga oo halkaas ku karkarinaya Mooshin xilka lagaga qaadayo Mayer Maxamed Dable iyo kuxigeenkiisa Baashe Yacquub waxaana Jirtay in waayadan dambe laysu khuurinaayay kadib markii Damacii iyo doonistii Xildhibaanada uu kahoos qaadiwaayay Mayer Dable ayay iyaguna Qorshe kale hoosta kawateen iyagoo madaxa Tusaaya saaxiibkoodii ay 3 bilood ka hor Ucumaamadeen inuu noqdo odayga Degmada.Waxa kaloo warku intaa ku darayaa in Mayernimada loo qorsheeyay Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf Dhukur halka Maye Kuxigeenku noqon doono Nuur Cabdi Jaamac Nuur Cadde
Geesta kale dhinaca Madaxtooyada JSL ayaa Arinkan aqbashay oo laga soo dhameeyay sida uu Sheegayo war xogogaala aanu helnay.
Mayer Dable,Kuxigeenkiisa Yacquub.Xildhibaan Axmed Cabaade Iyo Xildhibaan Aadan Dheere oo Aan xaalkiisa la hubin ayaa isku soo hadhay halka 9 Xubnood ee kale goob kuwada suganyihiin Caawa
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||