Dad Itoobiyaan Ah Oo Laga Raafay Gudaha Somaliland, Si Dalkooda Loogu Celiyo
July 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Laanta socdaalka ee Somaliland oo kaashanaya kuwa Booliska, ayaa hawl-gallo ay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa, waxay ku raafeen Dad u dhashay dalka Itoobiya.

Dadka la raafay oo la doonayo in dib loogu celiyo Dalka Itoobiya, ayaa u badnaa Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaasi oo ah kuwa ugu badan ee ku sugan gudaha Somaliland xilligan.
Waxaa la sheegay in hawl-galka Ciidammadu iska kaashadeen lagu ururriyey illaa 300 qof oo ka soo jeeda Dalka Itoobiya, kuwaasi oo badankoodu Hab Gacmo hoorsi ah ugu noolaa gudaha Somaliland ama Dadka wax waydiisan jiray, si ay noloshooda u sii wadan karaan.