Madaxweynahii Hore Ee Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta
July 9, 2021 - Written by admin
Cap Town(Berberatoday.com)-Madaxweynahii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa isku dhiibay Booliiska dalkaasi si ay ugu bilaabato 15 bilood oo xabsi oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamada dastuuriga ee dalka Koofur Afrika.

Afhayeen u hadlay Booliiska dalka Koonfur Afrika lirandzu Themba, ayaa xaqiijiyay inuu Zuma ku jiro gacanta Booliiska.
Zuma, ayaa loo kaxeeyay xabsi ku dhaw gurigiisa oo ku yaala gobolka Kwazulu-natal gelinkii dambe shalay oo Arbaca ahayd.